Thursday, 27 March 2014

SOOYAALKII HORE EE BEESHA CUMAR WACAYS : 

Beesha Cumar Wacays oo kamid ah beelaha ugu taariikhada dheer ee beelwaynta Maxamuud Garaad , ayaa haatan iyada deegaanadeedu ay u badan yihiin dhulka nugaasha loo yaqaano sida , Nugaal Godan oo ay ku yaalaan Degmada God'aalo iyo Tuulada Sarmaayo , waxaa kale oo jira in ay beeshu deegaanada Laamiga cad ee isku xidha soomaaliya ay tuulo ka degentahay hoostimaada degmada laascaanood , tuuladaas oo la yidhaah Higlada ama Higlo cumar .

Hadii aynu hadaba dib bal u yar milicsano taariikhada ay soo martay beeshu waxaa hubaal ah in ay beeshani markii hore aany degi jirin deegaanada ay haatan degentahay waxaana taariikhada aynu ku haynaa soomaaliyeed in xiligii uu jiray dagaalkii u dhaxeeye Gumaysiga reer yurub iyo ururkii Gobanimo u doonka ahaa ee la odhan Daraawiishtu ay beeshu degi jirtay Deegaana Bariga ee haatan u dhow sanaag ilaa bariga Qardho iyo xeebta bada madow oo ay daris ahaan jireen beelaha kale ee hartiga , beesha oo waagaas iyadu aan ka qeyb galin haba yaraatee dagaaladii Daraawiishta , se ay daraawiishtu hayd kuwo mar walba dagaalo joogta ah ku hayn jiray beeshan intii u dhaxaysay sanadakii 1900 - 1920 waxaa soo gaadhay beesha dhibaatooyin aad iyo aad u waawayn oo ay ka mid ahaayeen duulaanadaas joogtada ah ee ay ku hayeen daraawiishtu maadaama ay diideen in ay ka mid noqdaan daraawiishtii , si kastaba ha ahaateen markii ay beeshu ku dhamaatay dagaaladaas iyo kowo kale oo ay kula jireen beelaha hartiyeed ee Majeerteen ayaa waxay beeshu go,aansatay in ay u soo guuraan dhanka soolasha iyo geeska waqooyi Bari ee deegaanka loo yaqaano Nugaasha , taariikhadu markay ahayd 1925kii ayaa beesha badankeedu bilowday guuritaan loo soo guuraayo dhankaas , taas oo beesha qeyb kamid ahina ay sanadkii 1915kii ay dhanka jubooyinka ay u guurtay , waxaa markaas dhacay kala furfursho wayn oo ku timid beesha , taas oo sababkeeda ay lahaayeen dagaaladaas aanu kor ku soo sheegney ee ay kula jireen ciidankii daraawiishta iyo beelaha kale ee hartiga howgu horeeyeen beesha Cusmaan maxamuud majeerteen oo iyadu markaas rabtay in ay dhulka isku fidhiso maadaama ay kaalmo dhaqaale ka heli jireen gumaysigii talyaaniga ahaa , waxaa hubaal ah in deegaanka maanta loo yaqaano qardho ee gobalka bari ay beeshu ka qoday ceelkii ugu horeeye sanadkii 1850kii taas oo ilaa hada dadku ka cabaan loona yaqaano ceelka qardho , se markii ay beeshu dagaaladaas joog tada ah ka bixi weyday bay doorbiday in ay ka hayaanto habeen madow deegaanadaas iyo qeybo ka mid ahaa xeebta badweynta madow ee india .

Taas oo beeshu soolasha iyo nugaasha u soo guurtay iyadoo rabta bal in ay weheshato beelaha kale ee maxamuud garaad ee markaas iyaguna ay dhibaatada faraha badani ka soo gaadhay dagaalkii 21ka sano socday ee daraawiishta iyo gumaysiga , ilaa maalinkaas ilaa iyo maanta beeshu waxay degentahay deegaanadaanu kor ku soo sheegnay .